Iyadoo howlgalkii Amniga ka socdo magaalada Muqdisho ayaa Taliska ciidamada Booliska wuxuu ka digay Gaari uu sheegay inuu miineysan yahay oo qaraxyo sida, kaasoo ku jira magaalada Muqdisho.
Gaarigan ayaa la sheegay inuu yahay nooca Brado, iyadoo dadka looga digay inay ku raran yihiin waxyaabaha Qarxa, sida ay sheegtay taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed oo shirkeeda jaraa’id ee galablaha ah kusoo bandhigtay muuqaalka sawirrada.
Zakiya ayaa sheegtay in Ciidanka Am
Taliyaha ayaa dadka ugu baaqday inay kusoo wargeliyaan haddii ay arkaan gaariganooca Barado ah oo ay ka shakiyaan. Ciidanka Booliska ayaa sheegay inay dadaal ugu jiraan in lasoo qabto ka hor inta uusan qarxin.
