Taliska ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa soo saaray digniin ku socota dadka dacaayadaha ka fidiya Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020 oo bilaaban doona 18-July-2020-ka.
Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaan u diyaarinay 2,000 askar iyo saraakiil sugi doona Amniga goobaha imtixaanada, daryeelidda agabka imtixaannada. Waxaana la sheegay inay jiraan dacaayado khalkhal lagu abuurayo Waalidiinta iyo Ardayda Soomaaliyeed.
Booliska ayaa digniin adag gaarsiiyey qof walba oo isku daya inuu abuuro khalkhal Imtixaan, iyadoo la qabtay qaar ka mida dad lagu qabtay been abuurka imtixaannada, waxaana dadweynaha loogu baaqay la xiriiraan Telefoonka 991 si ay ugu wargeliyaan wixii ay arkaan oo lid ku ah imtixaanka.

Wasaarada Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sarre, waxaa sanadkaan Imtixaanaadka Sanad dugsiyeedka 2019/2020 u fadhiisan doona in ka badan 70,000 oo arday Soomaaliyeed ah si xariir ah sanadkii 6-aad, iyadoo sanadkaan lagu Soo kordhiyay fasalka 8-aad (Standard 8) 11/July/2020 & Dugsi sare 18-July-2020.