Wednesday, November 6, 2024

Taliska Booliska oo Ballanqaad ku saabsan Amniga iyo Dooraashada u sameeyay Madaxweynayaashii hore

Taliyaha Ciidanka Booliiska Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa kulamo kala gaara guryahooda ugu tegay madaxweynayaashii hore ee dalka oo madax ka ah Musharixiinta iyo Mucaaradka.

Taliye Xijaar oo ay weheliyaan Taliye ku Xigeenka iyo Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa guryahooda xalay iyo maanta ku booqday Madaxweyneyaashii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.

Kulamada Taliska Booliska iyo madaxda Musharixiinta Mucaaradka ayaa looga hadlay xaaladda sugidda amniga Musharaxiinta, Amniga Caasimadda, iyo Amniga xilliga doorashooyinka, waxayna ahaayeen kulamo hordhac iyo kalsooni-dhis ah.

Ad

“Waxaa booqasho noogu yimid taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo saraakiil kale oo la socotay, iyadoon ka wada hadalnay arrimaha Amniga doorashooyinka iyo ahmiyadda ay Boolisku u leeyihiin”. ayuu yiri Sheekh Shariif oo ka hadlay kulanka.

Wuxuu intaas ku daray muhiimadda ay u leedahay doorashada in la iska kaashado amniga, wuxuuna sheegay inay taliska Booliska balanqaadeen in Boolisku ay dhex-dhexaad u yihiin murashaxiinta oo aan loo adeegsan doonin arrima Siyaasadeed.

Taliyaha booliska iyo saraakiisha kale ayaa sidoo kale la kulmay Musharax C/raxmaan C/shakuur, waxaana la filayaa inay la kulmaan xubnaha kale ee Musharixiinta, iyagoo u caddeynaya inay dhexdhexaad ka yihiin arrimaha siyaasadda.

May be an image of 3 people, people standing, people sitting and indoor
May be an image of 2 people and indoor
May be an image of 3 people, furniture and indoor
May be an image of 3 people, people sitting and indoor
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON