Monday, February 10, 2025

Taliska Booliska Muqdisho oo markii ugu horeysay War kasoo saaray Ninkii gubay Xaaskiisa

Taliska Booliska Magaalada Muqdisho ayaa markii ugu horeysay maanta war kasoo saaray kiiska Ninka Xaaskiisa ku gubay caasimadda Muqdisho, toddobaad ku dhowaad iyo 24 saac kadib markii ay geeriyootay.

Qoraalka Booliska ayaa lagu soo bandhiggay muuqaalka Ninka falka geystay, waxaana abaalnarin loo balanqaaday qofkii soo sheega halka uu ku sugan yahay, taasoo dad badan yaab ku noqotay.

Arrintan ayaa imaaneysa kadib eedeymo culus oo loo jeediyay Booliska inuusan wax talaabo ah ka qaadin, kiiskan, iyadoo maanta xildhibaanno badan ay Booliska ka dalbadeen inuu soo qabto Denbiilaha.

Ad

Dadka qaar ayaa taliyaha Booliska Gobolka Banadir ku eedeeyay inuusan daacad ka ahayn soo qabashada denbiilaha, isla markaana ninkan la qarinayo oo lagu hayo goobo la ogyahay ama dalka laga saaray.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA BOOLISKA

EEDEYSANE BAXSAD AH.

- Advertisement -

Eedeysane Sayid-cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan in uu 26 Jan 2024 gubay xaaskiisii Marxuumad Luul Shiikh Cabdi Jaziira, isla markaana baxsaday.

Baadi goobka eedeysanaha ayaa ka socda Caasimada iyo Gobolada dalka oo la rumeysanyahay inuu u baxsaday.

Qofkii helaa xogtiisa, waxaa ka codsaneynaa inuu la wadaago barta Ciidanka Amaanka ee ugu dhow, lambarka gaaban ee 991 ama baraha bulshada.

Howgalo lagu baadi goobaya ayaa socda waxaan rajeynaynaa in dhawaan gacanta lagu soo dhigo si’uu cadaalad u maro.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON