Taliska ciidamda Asluubta ee maamulka Xabsiga Dhexe ayaa si idaayey, xoriyadiisana siiyey Weriye Xoghayaha ururka saxafiyiinta SJS oo ay maanta maxkamadda Gobolka Banaadir ku xukuntay 2 Bilood oo xarig ah.
Weriye Cabdalla Muumin ayaa goor dhoweyd warbaahinta u sheegay inay soo daayeen Ciidamada Asluubta ee Xasbiga Dhexe, kadib markii ay arkeen inaysan isku dhigmin xukunka Maxkamadda ku riday iyo Xilliga uu hore u xirnaa.
“”Waxa leygu soo eedeeyay ee qodobadda ee 219, 321 iyo 505 waa wax lagu Qoslo xilligan la joogo Soomaaliya, Saaka marka uu xukunka igu dhacay waxaa la ii geeyay Xabsiga dhexe,waxay Saraakiisha Xabsiga Dhexe waxay xisaabeen waxa meesha ku qran, waxaa soo baxday inaan ani dheeraad leeyhaay, Way isoo fasaxeen, waxay i dhaheen iska bax” ayuu yiri Xoghayaha SJS oo uu fasaxay Taliska Asluubta.
Guddoomiyaha Maxkamadda G/Banaadir Saala Dabbaan ayaa sheegay in xabsiga 2 bilood ah kaliya laga jarayo 11 maalmood oo uu xirnaa Cabdalla Muumin, waxaana toos loogu gudbiyey Xabsiga Dhexe, balse taliska Xabsiga Dhexe ayaa sii daayey Weriyaha.
Taliska Asluubta Xabsiga Dhexe ayaa markii uu eegay waraaqaha xukunka Maxkamadda Gobolka Banaadir oo 2 Bil ah iyo muddada Xukun-suge ahaa oo 4 bilood ku dhow, waxay sheegeen inaysan heysan sharci ay xabsi ku geliyaan muddo ka badan inta lahu xukumayna uu xabisnaa, sidaasina kusii daayey Cadballa Muumin.
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Taliska Asluubta ayaa isku haya mudaddii uu daminka dibadda ku joogay Weriye Cabdalla in loo xisaabinayo xabsi iyo in kale, waana xaalad sharci ah oo ka dhalatay waqtigii dheeraa ee ay qaadatay dacwadan.

