Taliska ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ayaa war kooban kasoo saaray dagaal saaka ka dhex qarxay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho oo dhaliyay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Taliska Asluubta Soomaaliyeed ayaa sheegay inay soo gabagabeeyeen howlgal maxaabiis ka dhex dagaalantay Xabsiga Dhexe ee Xamar, markii la toogtay 5 nin oo isku dayey inay dagaalamaan.
Wuxuu Taliska Asluubta soo bandhigay meydadka raggii Maxaabiista ah ee ka dhex dagaalamay Xabsiga, waxaana lagu sheegay inay raggaas ahaayeen Alshabaab ku xukuman Dil toogasho ah.
Taliska Ciidanka Asluubta ayaa goordhow faahfaahin dhameystiran ka soo saari doona sida ragaasi ay ku heleen hubka ay ku dagaalameen.
Waxaa la sugayaa faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan wixii ka dhacay Gudaha Xabsiga Muqdisho, iyadoo saxaafadda loo diiday inay gudaha u galaan xabsiga.