Taliska ciidamada Maraykanka ee Africa ayaa sheegay in duqayn is-difaacid wadajir ah ay la beegsadeen maleeshiyaadka al-Shabaab 15-kii bishan August, ayna ku dileen shan ka tirsan maleeshiyaadka al-Shabaab.
Duqayntan ayaa AFRICOM sheegtay inay ka dhacday meel u dhow Cali Heele oo 244 KM Waqooyi Bari ka xigta Muqdisho.
Duqayntan ayaa Maraykanku sheegay inay ahayd mid lagu taageerayey ciidamada dawladda Soomaaliya. AFRICOM ayaa sheegtay inaan dad rayid ah waxba ku noqonin duqayntan.
Duqayntan waxaa hore u baahiyey warbaahinta dawladda Soomaaliya, waxaana warka owladda lag sheegay in goob 35 KM Koofur bari uga beegan Magaalada Galcad ee Gobolka Galgaduud, lagu dilay 10 dhagar qabe, laguna burburiyey goob wayn oo ay lahaayeen khawaarijta Alshabaab.