Taliska Milateriga Maraykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa shaaciyey in hoggaamiye ka tirsan madaxda hoggaamiyayaasha ah ee Al-Shabaab lagu beegsaday Duqayntii 20-ka May Maraykanku ku qaaday degmadamagaalada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.
Taliska AFRICOM ayaa laga soo xigtay in hoggaamiye weyn oo Alshabaab ka tirsan lagu dhaawacay duqeynta Jilib, balse ma uusan magacaabin hoggaamiyahaasi lagu bartilmaameedsaday weerarka.
Sida uu sheegay  Afhayeenka AFRICOM Timothy S. Pietrack qiimaynta lagu sameeyey hawlgalka Duqeynta ayaa lagu ogaaday in mid ka mida hoggaamiyayaasha al-Shabaab lagu dhaawacay, iyadoo ay howlgalka iskaashi lagala sameeyey dawladda federaalka ee Soomaaliya.
AFRICOM waxay sheegtay inaan dad rayid ah waxba kasoo gaarin duqayntan. Duqeynta Jilib ayaa timid iyadoo Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya Mahad Salaad uu socdaalkiisii ugu horeeyay ku joogo dalka Maraykanka.