Taangiyada ciidamada Yuhuudda ayaa saaka qaaday weerarkii ugu horeeyay ee ay gudaha ugu galeen Marinka Gaza, kadib 23 maalmood oo duqeyn culus ay ku hayeen magaaladaasi.
Ciidamadan ayaa ka tallaabay Derbiga kala qeybiya Gaza iyo dhulka ay Isreal xoogga ku heysato, iyagoo gaaray Jidka weyn ee Salaaxudiin, waxaana dagaal culus la galay dagaalyahanadda kooxda Xamaas.
Dabaabaadka Ciidamada Israa’iil ayaa ilaa 3 KM gudaha u galay xaafadda Al-Zaytuun ee magaalada Gaza, waxayna muddo ku sugnaayeen waddada Salax al-Diin ee kala qeybisa Gaza. Ciidamada ayaa duqeeeyay Gaari ay dad shacab ah la socdeen, iyagoo ku dilay 3 qof.
Dagaalyahannada Xamaas ayaa sheegay inay dagaal culus la galeen ciidamada Yuhuydda ee gudaha u galay Marinka Gaza, ayna qasaare gaarsiiyay gaar ka mida Gawaarida gaashaaman, iyagoo ku adeegsan Gantaalka Alyaasiin ee 105 loo yaqaan.
Ciidamada IDF ee Isreal ayaa ku gaabsaday inay howlgal culus ka wadaan gudaha Marinka Gaza, ayna burburiyeen xarumaha iyo dagaalyahannada Xamaas, balse afhayeenka ciidamada Israel ayaan faahfaahin kale bixin.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Taangiyadii Yuhuudda ay dib uga baxeen degaanadii ay gudaha u galeen markii ay iska caabin xoog leh ka hor timid, balse waxaa weli socda dagaallo culus oo dhinaca dhulka ah.