Banaanbaxayaal Careysan oo taageeraya Jeneral Sheegow Axmed Cali ayaa xirtay, socodna ku maray qaar ka mida wadooyinka Muqdisho.
Dadkii bannaanbaxayay ayaa maray jidad dhowr ah, waxayna burburiyeen Goobo Ganacsi iyo sandaqado ay lahaayeen gancsatada yaryar ee wadooyinka, iyagoo wadooyinka qaar xirtay, taasoo keentay in ciidamada amniga ay rasaas ku kala eryaan.
Meelaha rasaasta lagu kala eryey taageerayaasha Sheegow waxaa ka mida Isgoyska Sayidka oo ilaalada madaxtooyada ay rasaas ku rideen, sidoo kale Boosteejada Degmada Kaaraan waxaa Rasaasta la furay ay sababtay inay ku dhaawacmaan Laba Qof oo midkood ahaa dadkii banaanbaxa waday.
Ciidmda Amniga ayaa shalay xiray Sheegow Axmed Cali iyo 24 ka mida ciidamadiisa oo lagu eedeeyay falal amni darro, kadib dagaal socday 12 saacadood oo dhex maray ciidamada amniga, kasoo ka dhacay xaafadda Kaawo-Godey ee dagmada Dharkeynley.
Siyaasiyiinta Besha Jareer ee Sheegow kasoo jeedo ayaa cambaareeyay xariga iyo sida loola dhaqamay Sheegow, waxayna dalabanayaan in la si idaayo.