Saturday, May 17, 2025

Sun laga helay Caano la siiyo Carruurta oo caan ka ah Dunida & Amar la siiyay Shirkadda soo saarta

Shirkadda Faransiiska laga leeyahay ee Lactalis ee samaysa caanaha carruurta ayaa amartay in dib loogu soo celiyo caanaha ay soo saareen meel kastoo ay dunida ka yaallaan.

Wasaaradda caafimaadka ee Faransiiska ayaa sheegay in ay 26 carruur ah oo dalkaas ku nool ay xannuunsadeen horraantii bishii Disembar. Dib u soo celinta ayaa saamayn doonta caanaha loo suuq geeyay Britain, Shiinaha, Pakistan, Bangladesh iyo Suudaan.

Waxay saamaynaysaa boqolaal caano daqiiq ah oo dunida loo suuq geeyo iyagoo kala ah noocyada Milumel, Picot iyo Celi. Lactalis waa mid ka mid ah shirkadaha ugu waawayn dunida ee caanaha soo saara.

Ad

Michel Nalet oo ah afhayeen u hadlay shirkadda ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ku dhawaad 7,000 oo tan oo wax soo saarkooda ah ay wasakhoobeen, laakiin shirkaddu aysan wali awoodin in ay sheegto inta la isticmaalay ama xaddiga wali suuqyada yaalla.

Lactalis ayaa rumaysan in bakteeriyada salmonella ay ka soo raacday dhisme ay leedahay shirkadda oo ku yaalla magaalada Craon ee waqooyiga-galbeed ee Faransiiska, dhismahaas ayayna ku qalajinaysay caanaha daqiiqda ah.

Dhammaan caanihii lagu sameeyay halkaas tan iyo bartamihii bishii Feebaraayo ayay shirkaddu dalbatay in loo soo celiyo waxayna qaadday tallaabooyin dheeraad ah oo ay mashiinada kaga dilayso bakteeriyada.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON