Saturday, April 20, 2024

Sufyaan Taakeeye oo lasoo taagay Maxkamadda Milateriga iyo Eedihii loo jeediyay

Maxkamadda Darajada koowaad ee Milateriga ayaa maanta lasoo taagay Sufyaan Sheekh Axmed Maxamed Xersi [Taakeeye] iyo laba qof oo kale oo ku eedeysan taageerada iyo u ololeynta fekerka Alshabaab.

Taakeeye oo magaalada Nairobi laga soo qabtay kadib wada-shaqeyn dhex maray dowladaha Kenya iyo Somaliya ayaa dhisay xisbi la baxay Talo-ku-noolm waxaana wareysiyo uu bixiyay uu ku taageeray qaraxyada iyo falalka Alshabaab.

Xeer ilaalinta Milateriga Soomalaiya ayaa 58 sano jirkan kusoo oogtay taageerada argagixisada, balse wuxuu Taakeeye isku difaacay inuu yahay nin aqoonyahan ah oo xaaladda dalka falanqeeya, isla markaana aanu aaminsaneyn in dhiig la daadiyo.

Ad

Sufyaan Taakeeye wuxuu Maxkamadda Milateriga u sheegay in fikradihiisa uu qabo aysan ka mid ahayn dagaal, balse eedaha xeer ilaalinta kusoo oogtay ay yihiin kuwo khaldan.

Fadhiga dacwadda oo ay Taakeeye ku wehliyeen laba xubnood oo ka mida xisbigiisa ayaa lasoo gabagabeeyay iyadoo la filayo in xukunka ay maxkamaddu u dhawaaqto dhowaan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON