Aniga oo tix galinayo Danaha Shacabka, waxaan ka tanasulay wax badan oo aan Aaminsanaa, markii horena aan idiin Ballan qaaday, si Dalku uuna u galin qalqal Siyaasadeed iyo colaad.
Aniga oo tix galinayo Rabitaanka Shacabka i taageersan, waxaan iska daayay oo aan Dartiin uga tanasulay aragatiyadii ahaa:
1.Waxaan ka tanaasulay, in Muwaadiniinta aan difaacayo oo aan Cadaw loo dhiibeyn.
2. Waxaan ka tanaasulay, in aan Noqdo Oday dhaqmeed maslaxa doon ah.
3. Waxaan ka tanasulay, haddii aan wax qaban waayo in aan Baabuurka gadaal ka galayo.
4.Waxaan ka tanaasulay, in aan Dayaaradaha Shacabka la raacayo.
5.Waxaan ka tanasulay, in aan Dastuurka iyo Sharciga ku dhaqmo.
6. Waxaan ka tanasulay, in aan Amaanada ilaalinayo.
7. Waxaan ka tanaasulay, in aan la dagaalamayo Musuq maasuqa.
8. Waxaan ka tanasulay, in aanan Qabyaalad ku shaqeyneyn.
9. Waxaan ka tanasulay, in Itobia ey Cadaw tahay.
10. Waxaan ka tanasulay, in Doorashada wakhtigeeda lagu qabto.
11.Waxaan ka tanaasulay, in Jabuuti ey Walaal tahay.
12. Waxaan ka tanaasulay, in Arrinta Somali land wada Hadal lagu dhameeynayo.
13. Waxaan ka tanasulay, in Doorasho Xur iyo Xalaal ah oo loo wada siman yahay la qabto.
14. Waxaan ka tanaasulay, in Gobaladda Dalka aan si siman wax ugu qabanaayo.
Haddii intaas oo aan hore idiinkugu ballan qaaday aan Shacabka dartiis uga tagay.
Soow ma ihi Tanaasul Badane?
Qore: Yahya Amir