Saqdii dhexe ee xalay kadib waxay Soomaaliya muddo 30 Sano ah kadib gaartay heerkii ugu sareeyay ee maamulka hawadeeda sare oo ah darajada ‘A’, taasoo maanta 26 Janaayo dhaqan gashay.
Tallaabadan ayay si weyn u soo dhoweeyeen madaxda dowladda Soomaaliya oo sheegay sheegay inay kor u qaadayso maamulka hawada saree e Soomaaliya iyo dakhiga kasoo gala dowladda, waxaana sidoo kale arrintan xaqiijiyay Ururka Caalamiga ah ee Gaadiidka Cirka (IATA).
Maamulka Hawo-maridda Dal ee heerka A, waxaa lagu maamulaa hawada ka sareysa qiyaastii 24,500 feet (7,467 mitir). Duulimaadyada oo dhan ayaana lagu siiyaa amarrada marista hawada iyo kala hagistooda.
Hay’adda IATA ayaa sheegtay in tallaabadani ay si weyn u wanaajin doonto ammaanka gobolka ayna kor u qaadi doonto waxtarka duulimaadyada.
Hawada soomaaliya ayaa muddo dheer laga maamulayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya sanadihii 1992 ilaa June 2018, markaasoo dowladda Soomaaliya aydib ugu soo celisay magaalada Muqdisho. Mamaulka Hawada Soomaaliya ayaa intaas kadib taagnaa heerka G ee ugu hooseeya.
“Waa war farxad iyo soo dhaweyn leh. Waanu dabbaaldegaynaa,” ayuu yiri Axmed Macallin Xasan, Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya oo sheegay in Soomaaliya ay gaartay Darajada A bishii Oktoobar ee 2022, balse ay intaas ku jirtay tijaabo.
Waxaa hawada Soomaaliya hadda isticmaala 24-kii saac diyaarado gaaraya 400 oo caalami ah, waxaase la filayaa in isbadalka heerka A uu keeno koror dhan ilaa 600 oo duulimaad maalintii. Dakhlifa Soomaaliya kasoo gala sanadkii maamulka hawada ayaa gaaraya 22 milyan oo dollar, waxaana la filayaa inuu gaaro ilaa 34 milyan oo doolar.
IATA waxay sheegtay in dib-u-soocidda hawada, iyo dib-u-soo-celinta maamulka hawada ee Muqdisho FIR, ay suurta-gelisay rakibaadda iyo hawlgelinta raadiyaha casriga ah ee hagidda iyo kaabayaasha kale ee teknoolojiyadda, kaddibna tijaabo lagu guuleystay, oo billowday bishii May ee la soo dhaafay.
