Soomaalidii ugu badneyd ee isu sharaxday Doorashada kuraasta Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa guulo ka gaaray Doorashada xilliga dhexe ee 2022 ee shalay dalkaasi ka dhacday.
Musharaxiinta Soomaali-Americanka waxay u tartamayeen xilal kala duwan oo kal ah heer degmo, heer gobol iyo Federaal ah, waxaana xilalkaasi isu sharxay 13 musharax, iyado ay soo baxeen kuraastina ku guuleysteen 8 ka mida
1- Ilhan Cumar oo markii saddexaad ku guleysatay oo dib u loogu doortay kursiga degmada shanaad ee gobolka Minnesota, iyadoo u meteli doonta kongarees-ka Mareykanka.
2- Maxamuud Nuur, Hodan Xasan iyo Samakaab Xuseen ayaa loo loo doortay inay ka mid noqdaan Golaha wakiilada Aqalka hoose ee gobolka Minnesota.
3- Seyban Maxamed ayaa loo doortay Aqalka Sare ee Senet-ka Gobolka Minnesota, waxayna taariikhda ku gashay iyana noqotay Haweeneydii ugu horreysay ee Soomaali ah oo ka mid noqota Aqalka Sare ee Senate-ka gobolka Minnesota. Sidoo kale waa gabadhii ugu da’da yaraa ee ka mid noqda aqalkaas guud ahaan. Sidoo kale waxaa Cumar Faatax isna dib loogu soo doortay kursigiisii Aqalka Sare.
4- Fathia Feerayare iyo Cabdul Cabdi ayaa iyagana loo doortay guddiga inay ka mid noqdaan Guddiga iskuullada magaalada Minneapolis.
4- Gobolka Ohio, Ismail Mohamed iyo Munira Abdullahi ayaa ka mid noqday golaha wakiillada gobolkaas.
5- Gobolka Maine waxaa Aqalka Sharci-dejinta kusoo baxay laba gabdhood oo Soomaali ah, kuwaas oo kala ah Deeqa Dhalac iyo Maana Cabdi, waxaana lagu soo doortay doorashooyinkiii ka kala dhacday magaalooyinka Portland iyo Lewiston.
Deeqa Dhalac ayaa hore u soo noqotay gabadhii ugu horeysay ee Soomaali ah oo duq magaalo ka noqotay Mareykanka.
