Dadka Soomaaliyeed ee dunida dacaladeeda kala jooga dagaal loo adeegsaday Baraha bulshada ku qaaday dowladda Kenya, iyagoo adeegsaday hal-ku-dhigga; “KenyaAggression” oo noqday mid si weyn loogu wadaagay barta twitterka.
Ololaha ka socda Baraha bulshada ayaa jawaab u ahaa weerarrada ay ciidamada Kenya ku hayaan xarumaha shirkadaha isgaarsiinta Soomaalida, gaar ahaan shirkadda Hormuud oo ay dhowaan ka burburiyeen xaruntii ay ku lahayd degmada Baardheere ee Gobolka Gedo. kumanaan jeer ayaa la wadaagay farriimo ka hadlaya Gardarrada ay ciidamada Kenya kula kacayaan xarumaha shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, waxaana laag dalbaday inay joojiso falalkaasi caddowtinimo,.
Ilhaan Cumar oo asalkeedu Soomaali yahay, kana mida mudanayaasha Aqalka Koongareeska Mareykanka ayaa ka mid ahayd dadkii ka hadlay weerarka ciidamada Kenya ku hayaan Shirkadda Hormuud, waxayna qoraallo is daba joog ah oo ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ku sheegtay in loo baahan yahay in la ilaaliyo hantida shirkadda Hormuud Telecom.
Sidoo kale Ilhaan Cumar waxay ka hadashay adeegga ay Hormuud Telecom u heyso dadka Soomaaliyeed oo ay aad ula yaabtay mar ay booqatay Somalia sida dadka miyiga ku nool ay lacago isugu diri karaan. waxayna dowladda Somalia ka dalbatay inay difaacdo shirkadda Hormuud, waxayna intaas ku dartay inay arrintan dhaawac ku tahay xiriirka Somalia iyo Kenya.
Ciidamada Kenya ayaa dhawaan waxaa ay qaraxyo ku burburiyeen xaruntii shirkadda Hormuud Telecom ay ku laheyd tuulada Caws-Qurun oo ku taalla Gobolka Gedo,iyadoo adeegsaday qaraxyo Miinooyin,waxaana halkaas Shirka uga burburay Tower-kii, Laba Dab-dhaliye, BTS, Link-yo iyo dhismihii xarunta.
Dhinac kale Wasaarka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Somalia ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii lagu qaaday Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee Deegaanka Caws-qurun ee Gobolka Gedo.

https://twitter.com/hashtag/KenyaAggression?src=hashtag_click