Sii-hayihii taliyaha ciidamada Booliska AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya
Christine Alalo, ayaa la xaqiijiyey inay ka mid ahayd dadkii ku dhintay diyaaradii Ethiopian Airlines ee burburtay.
Ku xigeenka Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia Simon Mulongo ayaa xaqiijiyey in haweeneyda Christine Alalo ay la socotay diyaaradii shilku qabsaday ee Ethiopian Airiles, waxaana warkeeda oo lagu baahiyey baraha bulshada markii hore la beeniyey, balse dib laga xaqiijiyey, iyadoo Shirkadda Itoobiya laga sugayo xaqiijin si rasmi ahaan loogu shaaciyo.
Dhinaca kale waxaa sii korortay tirada Soomaalida ku dhimatay Shilka Diyaradda Itoobiya oo gaartay 7 qof, kadib markii ay soo baxeen Soomaali kale oo ku safraayey baasabooro ajnabi ah, waxayna u badnaayeen caruur iyo dumar.
Magacyada la helay waxaa ka mida:
- Cabdishakuur Maxamed Shahaad oo katirsan Xafiiska R/W Kheyrre
- Siraaji Xuseen Cabdi oo ka soo jeeda dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya
- Sahro Saciid Xasan
- iyo Wiilkeeda Nasrudiin C/qaadir oo heysta dhalasha UK
- Aamina Ibraahim Odawaa iyo Gabadheeda
- Safiyo Faysal oo heesta dhalashada Canada
- Axmed Nuur Maxamuud oo ka tirsanaa Shaqaalaha Shirkadda Itoobiya Airline
- Maxamed Diinle oo heysata dhalashada UK.