Thursday, April 24, 2025

Somaliya u codeysay Qaraar lagu cambaareeyay Weerarka Ruushku ku qaaday Dalka Ukraine

Dowladda Soomaaliya ayaa ka mid noqotay 141 waddan oo ka tirsan Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo u codeeyey qaraar si kulul u cambaareynay duullaanka Ruushku ku qaaday dalka Ukraine.

Cod-bixinta dallaka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo maanta dhacday, kadib kulan gaar ah oo uu yeeshay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa qaraarkaasi waday Mareykanka iyo dalalka Midowga Yurub, kadib markii Ruushku VETO u adeegsaday go’aan kasoo bixi lahaa Golaha Amniga Q/Midoobay.

Qaraarkan ay Soomaaliya u codeysay ee lagu cambaareeyya weerarrka Ruushka ee dalka Ukraine waxaa kaloo taageeray dalka Jabuuti iyo 140 dal oo kale, waxaana ka soo horjeestay 5 Dal oo kala ah: Ruushka, Eritrea, Syria, Waqooyiga Kuuriya iyo Belarus.

Ad

Waxaa sidoo kale ka aamusay 35 Dal oo uu ugu weyn yahay Shiinaha. Qaraarka ayaa ku baaqaya in dowladda Ruushku ay joojiso gulufka milatari ee dalka Ukraine ay ka waddo, isla markaana ay ciidamadeeda degdeg uala baxdo dalkaasi.

Midowga Yurub ayaa Dowladda Soomaaliya ku booriyey inay cambaareyso weerarka Ruushku ku qaaday dalka Ukraine.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON