Monday, February 17, 2025

Somaliya oo shaacisay inay Gargaar u direyso Dadka Reer Falastiin ee Gaza

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay diyaar u tahay gargaar ay u dirto dadka Reer Falastiin ee ku nool Marina Gaza oo dagaal culus ka wado Isreal.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Somaliya Maxamuud Macallin Cabdulle oo ka hadlay isu soo baxay lagu xusay qarixii 29 October 2022-kii ee Zoope 2 ayaa sheegay inay diyaar la yihiin in dhaqaatiir iyo gargaar u diraan magaalada Gaza, haddii la furo marinka Rafax ee xuduudda Masar.

“Hay’adda Maareynta Musiibooyinka waxay ku talagashay hadii la furo marinka Rafax ee Masar inay u diri doonto gargaar ummadda Soomaaliyeed laga qaaday, waxaa diyaar ah dhaqaatiir, waxaana geyneynaa kaalmo loogu gurmanayo walaalaha reer Gaza” ayuu yiri guddoomiyaha.

Ad

Soomaaliya ayaa ku jirta xaalad adag oo ka dhashay abaaro iyo fatahaad, waxaan qaaraan u ururiya beesha caalamka, iyadoo Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ay inta badan gargaarka ka hesho dalka Imaaraadka Carabta.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON