Shirweyne dhawaan lagu soo gabagabeeyey Magaalada Abuja ee Dalka Nigeria loogana hadlayey qaab-dhismeedka maaliyadeed ee isku-dhafka ah (INFF) iyo Miisaaniyadda Furan ee Horumarka Waara ee Afrika ayaa lagu ammaanay horumarka ay Soomaaliya ka samaysay hufnaanta maaliyadda iyo hannaanka furfuran ee miisaaniyadda. Dabayaaqadii Sebtembar, sahan ku saabsan Miisaaniyadda Furan ayaa lagu soo bandhigay kulankaasi ka dhacay caasimadda Nigeria ee Abuja.
Soomaaliya ayaa sanadkii 2016-kii ku biirtay hindise-sharciyeedka Sahanka Miisaaniyadda Furan (Open Budget Survey- OBS), waxayna soo gabagabeysay saddex wareeg oo sahankaasi ah, kuwaasoo la qabto labadii sanaba mar. Dhibcaha daah-furnaanta Soomaaliya ee wareeggii ugu dambeeyey ee 2021-ka ayaa ahaa 20 boqolkii, taasoo ah horumar la taaban karo marka loo eego waxqabadkeedii hore. Waxa ay ku xigtay dalka Tanzania.
“Waan ku faraxsanahay in qiimeyn nalagu sameeyey iyadoo la adeegsanayo habkan furan. Ballanqaadkayaga ku aaddan daahfurnaanta iyo ka-qaybgalka dadweynaha ee hannaanka miisaaniyadda iyo maaliyadda waa caddahay. Waxaa naga go’an inaan qiimo iyo la xisaabtan u sameyno dadkeena,”Waxa sidaasi yiri Yuusuf Maxamed Aadan, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka.
Waxa uu raaciyey “Waan ku faraxsanahay inaan u isticmaalno qalabkan si aan u wanaajino hufnaanta, kormeerka, iyo heerka isla xisaabtanka, iyo sidoo kale inaan ka caawino saaxiibadayada dibadda inay arkaan qiimaha ay u leeyihiin maalgashigooda,”
Mr Adan ayaa intaas ku daray in Soomaaliya ay haatan wado hanaankii deyn cafinta kana mid tahay wadamada ka faa’ideysanayo hindisa wadamada aadka saboolka u ah looga cafinayo deymaha.
Iyada oo la adeegsanayo qorshaha isku dhafka misaaniayadaha qaran ((INFF) iyo qiimeynta furfurnaashaha miisaanayada oo ay sameeyaan saaxibo madax banaan, khubaradu waxay aaminsan yihiin in dalku ugu dambeyntii ku tiirsanaan karo kheyraadkiisa kana maari karo maalagashiga shisheeye.
“Habka Maalgelinta Isku-dhafka ah (INFF) iyo Hindisaha Miisaaniyadda Furan waa kuwo si gaar ah diirada u saaraya hanaan maliyadeed oo cusub oo loogu talagalay in lagu maalgeliyo ujeedooyinka horumarineed ee waara iyada oo lala kaashanayo himilooyinka iyo mudnaanta qaranka,” ayuu yiri Dr Maxamed Cismaan, Maamulaha Machadka Sadar, oo ka tirsan degaanka. martigelinaya Hindisaha Miisaaniyadda Furan ee Soomaaliya, ahna Wakiilka Dalka ee Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
“The goal is for developing countries to move beyond reliance on traditional ODA and finance their own Sustainable Development goals in the future,” Dr Mohamed added.
“Hadafku waa in dalalka soo koraya ay ka gudbaan ku tiirsanaanta maalgelinta shisheeye oo ay maalgeliyaan ujeedooyinkooda Horumarineed ee mustaqbalka,” ayuu raaciye Dr Maxamed.
During his opening speech, Nigerian President Mohammadu Buhari emphasized the importance of integrating national budget systems to reduce reliance on foreign aid.
Intii uu ku guda jiray khudbadiisa furitaanka, Madaxweynaha Nigeria Mohammadu Buhari wuxuu ku nuuxnuuxsaday muhiimada ay leedahay in la isku daro hababka miisaaniyada qaranka si loo yareeyo ku tiirsanaanta gargaarka dibadda.
Iyagoo kulanka uga qeyb qaadana qaabka fogaan aragga ayaa wakiilo ka socda wasaarada maaliyada ee soomaaliya waxay soo saareen qorshe hawleed gaaban oo diiradda saaraya dib-u-habaynta maalgelinta, dejinta hadafyo cusub oo miisaaniyada furan, iyo horumarinta dib-u-habaynta maamulka maaliyadda dawladda ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Machadka Sadar.
“Soomaaliya aad bay uga faa’iidaysan doontaa natiijada sahankan, waxay horumarin doontaa hannaanka miisaaniyadeena, waxayna kalsooni ku beeri doontaa shaqaalaheenna iyo hay’adaha dibadda,” ayuu yiri Maxamed Tahliil Axmed, madaxa miisaaniyadda iyo warbixinta ee Wasaaradda Maaliyadda.
“Waxay noo furi doontaa fursado badan oo maal-gelineed annagoo isku daynayna inaan ka gudubno caqabadaha ay keeneen tobannaan sano oo dagaal sokeeye,” Mr Tahlil ayaa intaas ku daray.
Wakiilo ka kala socday 54 dal oo Afrikaan ah, Hay’adaha Qaramada Midoobay, Ururada Bulshada Rayidka ah, iyo hay’adaha kale ee la shaqeeya horumarinta ayaa ka soo qayb galay shirka Abuja oo socday afar maalmood.
Musiibada iyo naxdinta uu reebay cudurka Covid-19, kaasi oo saameeyey dadaalada dhinaca horumarka waara iyo maalgelintooda sanadihii 2020 ilaa iyo 2021-kii, ayaa waxa ay keentay in sara uu u kocdo muhiimada ay leedahay maalgelinta qaran ee isku dhafan.
Qaaradda Afrika ayaa hormuud ka noqotay tirada dalalka doonaya inay ka qaybqaataan hindise-sharciyeedka isku-dhafka ah ee qaab-dhismeedka maaliyadda qaranka (INFF). In ka badan 40 waddan ayaa isticmaala habkan Afrikada Saxaraha ka hooseeya (Sub-Saharan Africa).
Erayga “qaababka maaliyadeed ee isku dhafan ee qaranka,” ama loo soo gaabsho INFFs , ayaa lagu soo bandhigay Ajendaha Waxqabad ee Addis Ababa markii ugu horeysay. Dalalku waxay codsadeen INFFs si ay u helaan kaalmo si ay u hirgeliyaan istaraatiijiyaddooda qaran ee horumar waara. Intii lagu jiray shirkii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee 2019, lix iyo toban waddan ayaa xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay inay noqdaan hormuudka habkan.
Qaababka maaliyadeed ee isku dhafan ee qaran wax uu la mid yahay sida buundo oo kale waxa uuna isku xiraa gacanna ka geystaa abuubulka nidaamiyada maalgelinta ee dadweynaha iyo kuwa gaarka ah. Waxay ka caawiyaan dawladaha toosinta iyo tayeynta ka qayb qaadashada siyaasadaha maaliyadeed ee qorshayaasha horumarinta qaranka. Waxay fududeeyaan wadashaqeyn ballaaran oo dhex marta jilayaasha dadweynaha iyo kuwa gaarka ah waxayna xoojiyaan xiriirka ka dhexeeya dhinacyada siyaasadda maalgelinta ee kala duwan.
Gabagabadii, wasiiru dowlaha wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa bogaadiyay dadaalka ay muujiyeen qabanqaabiyayaasha shirka iyo dalka Nigeria oo ah kan martigeliyay. Wasiiru Dowlaha ayaa xaqiijiyay in Soomaaliya ay qaadan doonto istaraatiijiyadda INFF, maadaama Wasaaradda Maaliyadda ay horay u wadday qorshayaal lagu dardargelinayo qorshahan. Wasiiru Dowlaha ayaa ku nuux nuuxsaday in Wasaaradiisa ay kala shaqeyn doonto Wasaarada Maaliyada sidii loo xoojin lahaa ka qeybgalka shacabka, taasi oo u baahan in si weyn looga wada qeyb qaato.
“Waxaan la shaqeyn doonnaa Wasaaradda Maaliyadda in aan ka qeyb-galno ka-qeybgalka dadweynaha hab-raaca diyaarinta Miisaaniyadda iyo inta lagu guda jiro hannaanka Miisaaniyadda,” ayuu yiri Yuusuf Maxamed, Wasiiru Dowlaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
Gunaanadkii, wadamadu waxay ballan-qaadeen inay horumarinayaan hufnaanta geeddi-socodka miisaaniyadda iyo inay ka fikiraan qaadashada NIFF. Wafdiga Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Wasiiru Dowlaha Yuusuf Maxamed Aadan ayaa ka qeyb galay kulamo xiriir ah oo ay la yeesheen dalalka kale ee gobolka, sida Sudan, Ethiopia, Eritrea, Uganda, iyo South Sudan, oo ay ka wada hadleen horumarinta daah-furnaanta miisaaniyadda iyo xaqiijinta ka qeybgalka bulshada.