Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa shaacisay inay Soomaaliya ka gudubtay wareegii shanaad ee hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee Barnaamijka Deyn Cafinta iyo lacag loo fasaxay dowladda Soomaaliya.
Guddiga Sare ee Hey’adda IMF oo shir gaar ah kalahaa arrimaha maaliyadda Soomaaliya ayaa shaaciyay in Soomaaliya ay ka gudubtay Barnaamijka ECF ee ahaa Dib-u-eegista 5-aad ee ku saleysnaa sharuudaha Deyn cafinta taasoo hadda ay fulisay Dowladda Soomaaliya dhammaan shuruudihii ku xirnaa hannaanka ECF-ka.
IMF waxay boogadisay Dowladda Federaalka Soomaaliya sida ay ugu go’an tahay dadaalada lagu xoojinayo qorsheyaasha dib-u-habeynta Maaliyadda dalka, xoojinta wadashaqeynta kala dhexeysa Deeq-bixiyeyaasha calaamiga ah iyo Hey’addaha kale ee Deymaha waa ku leh Soomaaliya. Warbixinta IMF ay soo saartay ayaa lagu xusay in loo baahan yahay in la labo laabo daadalada lagu dar-dar galinayo kordhinta Dakhliga gudaha, iyada oo mudnaan loo siiyo beeqaaminta karashbixinta si loo yareeyo bixinta kharashaadka aan daruuriga ahayn.
Tallaabada Shanaad ee Soomaaliya ka gudubtay darteed waxay Hay’adda IMF u fasaxday dowladda Soomaaliya Lacag dhan $9.4 milyan oo dollar oo lagu taageerayo Dib-u-habaynta iyo Qorshaha Horumarinta Qaranka iyadoo Soomaaliya ay ku sii socoto dhammaystirka Deyn Cafinta (HIPC) dhammaadka 2023.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhamaadka sanadkan 2023 filaysa in ay gaarto bar-dhamaadka deyn-cafinta “Completion Point ” taasoo ku xiran shuruudo kale oo dheeraad ah oo ay ku jiraan arrimaha siyaasadda.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Elmi Mahamoud Nur ayaa soo dhaweeyay warbixinta ka soo baxday Guddiga Sare ee Hey’adda IMF. Wasiirka Elmi ayaa sheegay in warka ka soo baxay IMF uu yahay mid wanaagsan oo ku dhiirigalinayo in Dowladdu ay sii xoojiso arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda iyo Deyn Cafinta.