Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay jiritaanka qorshe ku saabsan heshiis Badeed oo dhex mara dalalka IGAD si xal loogu helo xiisada dalalka Soomaaliya iyo itoobiya.
Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Cumar Maxamud (Cali Balcad) ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inaysan waxba ka jirin wararka ku saabsan in heshiiska Badeedlaga dhex wada Somaliya yo Itoobiya.
“Wararka ku saabsan heshiiska badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya waa kuwo aan sal iyo raad toona lahayn. Soomaaliya waxay ku adkaysanaysaa midnimada dhulkeeda. Waxaan ku baaqeynaa in diiradda la saaro nabadda iyo xasilloonida gobolka”. ayuu qoraalkiisa ku yiri Wasiir Cali Balcad oo ka jawaabay warka ay baahisay Wakaalada Wararka Reuters.
Sida ay sheegtay inay kasoo xigatay Mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Kenya waxay Reuters sheegtay in Kenya ay soo jeedisay in heshiis dhinaca badda ah ay galaan dalalka IGAD, si loo qaboojiyo xiisadda u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya ee ka dhalatay heshiis u ogolaanaya Itoobiya inay saldhig ciidan ka sameysato badda, isla markaana ay hesho deked ku taalla xeebaha Somaliland.
Dhinac kale xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya Korir Singwe ayaa isna sheegay in si guud ahaan loo fasiray mowqifka Kenya iyo aragtidisa, wuxuuna qoraal uu soo saaray ku yiri: “Gebi ahaanba si khaldan loo fahmay aragtideena iyo mawqifkeena ku aaddan arrintan. Mawqifkeena Waa mid cad oo aan mugdi ku jirin, waana si buuxda u ixtiraameyno midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”.”
Isla Xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayey wakaalada wararka ee Reuters kasoo xiagtay in heshiiska Arrimaha Badda ay soo jeedisay Kenya oo la tashatay Jabuuti, isla markaana urur goboleedka IGAD uu go’aamin doono sidii dalalka aan badda lahayn ee gobolka ay ku heli karaan dekedo ganacsi.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiistii kulan kula qaatay caasimadda Kenya dhiggiisa Kenya William Ruto, kaasoo qeyb ka ah dadaallada lagu doonayo in xal diblumaasiyadeed lagu dhammeeyo khilaafkan.
“Waxaan sii wadeynaa inaan la shaqeyno dhammaan dhinacyada anaga oo ujeedadeenu tahay inaan hubinno in gobolku uu ugu dambeyntii si buuxda u helo xasilloon,” ayuu yiri Singwe.
Wuxuu intaas ku daray in haddii xalka Nairobi la aqbalo, ay Itoobiya siin doonto “helitaanka kheyraadka badda oo xasilloon oo la saadaalin karo” si ay ganacsigeeda u wadato si aan caqabad lahayn, iyadoo sidoo kale ixtiraamaysa midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Itoobiya oo damac ka galay Badda Soomaaliya ayaa 1-dii Janaayo 2024 heshiis is-afgaradka la gaartay Somaliland, kaasoo Slagu sheegay inay marin-badeed 20 km ah looga kireynayo Itoobiya muddo 50 sano ah, halka taas bedelkeed ay Itoobiya ka fiisaneyso aqoonsiga Somaliland.