Tuesday, October 15, 2024

Somaliya iyo Masar oo Heshiis Milateri kala saxiixday (Xasan Sheekh iyo Al-Sisi oo ka hadlay)

Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa kala saxiixday heshiis Milateri oo dhinaca difaaca ah, kadib kulan uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud magaalada Qaahira kula yeeshay Madaxweynaha dalka Masar Cabdulfataax Al-Siisi.

Labada dowladood ayaa lagu gaaray dhammeystirka heshiisyada muhiimka ah ee iskaashiga difaaca iyo amniga ee Soomaaliya iyo Masar, waxayna labada Madaxweyne ayaa xaqiijiyay in iskaashiga difaac ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar uu yahay tallaabo muhiim ah oo kor loogu qaadayo amniga iyo xasilloonida gobolka.

Heshiiskan difaaca ayey labada dal ku ballameen in la fuliyo qorsheyaal wadajir ah oo lagu xoojinayo awoodda difaaca iyo amniga ee Soomaaliya. Kulanka kaddib Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Cabdulfataax Al-Siisi ayaa qabtay shir jaraa’id oo ay uga warbixiyeen heshiiska la gaaray.

Ad

Madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al Sisi ayaa Soomaliya u ballanqaaday taageero milateri oo ay dowladiisa siin doonto ciidamada xoogga dalka iyo sugida amniga xaduudaha.

Heshiiska ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Masar ayaa waxaa ka mida inay Masar ka qeyb qaadato dagaalka Argagixisada gudaha iyo dibada; waxayna Soomaaliya ka difaacaysaa faragalin kasta oo dibadeed oo caalami ah.

Masar ayaa la filayaa inay ka mid noqon doonto howlgalka cusub ee ciidamada Midowga Afrika oo Soomaaliya ay dooneyso inay hoggaamiso si meesha looga saaro Ciidamada Itoobiya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON