Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa maanta shaacisay heshiis ay la saxiixatay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasoo gargaar lacageed lau siinayo dowladda iyadoo la raacayo barnaamijka waddamada dakhligooda.
IMF ayaa Bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Soomaaliya ay sii waddo fulinta isbeddellada dhaqaale ee xoojinaya hay’adaha dhaqaalaha iyo kuwa maaliyadda, una gogol xaaraya in Soomaaliya ugu dambeyn laga cafiyo Deynta bisha Disembar ee sanadkan 2023.
Hay’adda IMF iyo dawladda Soomaaliya ayaa ku heshiiyey in dalka lagu gargaaro muddo saddex sano ah kaalmo dhan 100 milyan oo doollar, iyadoo loo qeyb ka ah qorshaha taageerada waddamada dakhligoodu hooseeyo.
Wafdi ay hoggaaminaysay Laura Jaramillo oo ka tirsan hay’adda, ayaa wadahadallo la yeeshay mas’uuliyiinta Soomaaliya bishii Sebtember, halkaasoo ay ku gaareen heshiiskan Soomaaliya u fasaxaya gargaarka dhan 100-ka milyan ee doollar.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay joogteysay dhaqan-gelinta dib-u-habaynta maaliyadda, si ay gacan uga geysato xoojinta hay’adaha maaliyadda iyo siyaasadaha dhaqaalaha ee muhiimka ah, taas oo waddada u xaaraysa in Soomaaliya ay gaarto barta kama dambeysta ah ee qorshaha deyn cafinta oo la filayo go’aankiisa kama dambeysta ah bisha December 2023-ka”. ayaa lagu yiri Bayaanka IMF.
Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda IMF ayaa gaaray heshiis ku saabsan dib-u-habeynta Maaliyadda iyo siyaasadda Dhaqaalaha Soomaaliya, kaas oosocon doona muddo 36 bilood ah.
Dhinaca kale Wasiirka maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa sheegay in heshiiskaan taariikhiga ah uu sahlayo sii wadidda howlaha dib-u-habeynta Maaliyadda kadib marka uu soo gaba gaboobo Barnaamijka deyn cafinta. In ka badan 30 sano ka dib, Soomaaliya waxa ay si caadi ah oo fool ka fool ah ula macaamili doontaa hey’adaha Maaliyadda Adduunka.