Maamulka Somaliland ayaa soo bandhigay saraakiil ka tirsaney ciidamada dowladda Soomaaliya ka goosatay, cafiska weydiistay maamulkasi.
Saraakiishan oo kasoo jeeday degaanada Somaliland ayaa sida uu baahiyey Telefishanka Somaliland sheegay inay dalbanayaan cafis, kana laabteen midnimada Soomaaliya oo lagu khalday, waxayna sheegeen darajadooda iyo ciidamadii ay ka tirsanaayeen.
Saddex sarkaal iyo askari dable aha ayaa kasoo muuqday muuqaalka, waxayna macgacyadooda ku kala sheeeegn sida soo socota:
1- Laba Xiddigle Jaabir Ismaaciil Cismaan (Wuxuu ka tirsanaa ciidamada kumaandooska Danab)
2- Xiddigle Maxamuud Axmed Cali (Wuxuu ka tirsanaa Ciiamada Danab, wuxuuna u qaabilsanaa wacygi gelinta ururka afraad ee Danab, iyo afhayeenka guutada 16-aad)
3- Xiddigle Yuusuf Maxamed Jaamac (Wuxuu ka tirsanaa ciidamada dowlada Soomaaliya)
4- Maxamed Xasan Xaashi (Wuxuu ahaa Dable ka tirsan ciidamada Gorgor ee Milateriga)

Waxay saraakiishan caddeeyeen inay tababarro ciidan kusoo qaateen dalal dibadda ah, ayna diyaar u yihiin inay u shaqeeyaan dadkooda Somaliland.
Abaanduulaha ciidamada Somaliland C/risaaq Siciid Afgaduud soo dhoweeyay saraakiisha iyo askarta kasoo goosatay ciidamada Soomaaliya.
Waa ciidamadii ugu horeeyay ee noocooda ah oo goosta ciidamada dowladda Soomaaliya, kuna laabta Somaliland, ayna soo bandhigto xukuumadda Somaliland.