Thursday, March 20, 2025

Somaliland oo shaacisay inay Taliyeyaal ka yimid Muqdisho ku biireen dagaalka Laascaanood

Waxaa sii xoogeystay dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, iyadoo saaka uu mar kale dagaal culus dhex maray ciidamada degaanka iyo kuwa Somaliland.

Dagaalka saaka ayaa la sheegay inuu qasaare badan dhaliyey, iyadoo wararku sheegayaa in dagaalka dib loogu riixay ciidamada Somaliland, lagana qabsaday Gaadiid, halka magaalada ay ku dhacday duqeyn mar kale waxyeelo u geystay xarumo uu ka mid yahay Isbitaalka Magaalada.

Wararka ayaa sheegayakasoo baxay maamulka Somaliland ayaa lagu sheegay in Saraakiil Milateri oo ka yimid Muqdisho, ay hogaaminayaan duulaanka dagaal ee Laascaanood.

Ad

“Waxaa fariisimada Ciidamada Somaliland ee Galbeed Magaalada Laascaanood soo weeraray kooxaha Nabad diidka iyo Argagixisada ah ee ku sugan Magaalada Laascaanood oo ay ku soo biireen Taliyayaal Ciidan oo ka yimi Magaalada Muqdisho”.” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Somaliland.

Somaliland waxay Beesha Caalamka iyo wadamada jaarka ah ugu baaqdat in Argagixisada dagaalk kula jira Somaliland ay khatar ku yihiin nabadgelyada iyo Xasiloonida Gobolka Geeska Afrika, ayna iska kaashadaan sidii kooxahan Argagixisada looga sifayn lahaa Magaalada Laascaanood.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON