Maamulka Somaliland ayaa shaaciyay in dad cusub oo gaaraya saddex qof laga helay cudukrka Covid-19.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Cumar Cabdi Cabdillaahi oo shir-jaraa’id qabtay saaka magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Somaliland laga helay saddex Qof oo qaba Coronavirus, iyadoo uu bulshada degaanada maamulkaasi uu hadda ku fidayo cudurka.
Saddexda ee laga helay cudurka ayaa 2 ka mida waxay ku nool yihiin magaalada Hargeysa, halka qofka saddexaad uu ku sugan yahay magaalada Boorama; waxayna guud ahaan Somaliland ilaa hadda laga helay cudurka 5 qof.
Dhinaca kale cabsi xoog leh ayaa ka dhalatay magaalada Hargeysa markii la sheegay in nin oday ah uu ku dhintay bartamaha magaalada Hargeysa oo meydkiisa lagu arkay dukaan yar oo uu lahaa.