Maamulka Somaliland ayaa maalintii shalay u diiday inay Garoonka magaalada Hargeysa caga-dhigato diyaarad sitay dhalinyaradii tahriibayaasha ahaa ee laga soo celiyay dalka Liibiya, kuwaasoo kasoo jeeday degaanada Somaliland.
Diyaaradda oo ka tagtay Muqdisho ayey Somalilamndk u amrtay inay dib uga laabato hawadeeda, iaygoo sheegay inay wax fasax ah heysan, taasoo keentay inay diyaaradda ku degto magaalada Garowe.
Tahriibayasha laga soo celiyay Libiya ayaa ka mid ahaa 151 dhalinyaro oo dhowaan ururka IOM iyo dowladda Soomaaliya ay ka dejiyen mgaalada Muqdisho, waxayna Somaliland diyaaradda ku qasabtay inay hawada ka noqoto.
Wararka ayaa sheegay in diyaaradda iyo dhalinyatadii saarneyd lagu soo dhoweeyay magaalada Garowe, waxaana dadaal ay sameysay hay’adda IOM lagu guuleystay in maanta ay diyaaradaasi maanta ka degto magaalada Hargeysa.
Somaliland ayaa ku dooday in diyaaradda siday dhalinyaradda laga keenay Liibiya aysan heysan fasax degitaan oo ay ku caga dhigato garoonka magaalada Hargeysa.