Waxaa maanta Maxkamadda Gobolka Maroodijeex ee Hargeysa markii ugu horeysay lasoo taagay Milkiilaha Astaan TV C/mannaan Yuusuf Maxamed oo ku dhowaad 40 maalmood ku xirnaa magaalada Hargeysa.
Xeer ilaalinta Somaliland ayaa kusoo oogtay Milikiilaha Astaan TV dacwad ku saabsan inuu yahay Basaas xiriir la leh Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee Fahad Yaasiin iyo inuu ganacsiga u adeegso si khaldan.
Waxaa dacwadda iyo qaabka loogu soo oogay C/mannaan Yuusuf maxkamadda ka difaacay qareenadiisa oo Maxkamadda u sheegay in si khaldan lagu heysto dhibanaha, isla markana maxkamadda aysan awood u lahayn inay qaado dacwadiisa, waxaana la xiray maxkamadda iyadoo fadhi danbe la isugu soo laaban doono.

Xariga Milkiilaha Astaan TV ayaa fadeexad weyn usoo jiiday maamulka Hargeysa ka taliya ee Somaliland iyadoo markii hore si afduub ah loo heystay muddo toddobaad ka badan kadibna lagu wareejiyay Booliska Hargeysa, iyadoo ganacsadahan lagu heysto inuu si khasab u bixiyo saami badan oo shirkadiisa ka mida.