Maamulka Somaliland ayaa caawa ku dhawaaqay xabbad joojin Hal dhinac oo shuruud la’aan ah, taasoo ka dhaqan galeysa magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool oo dagaal ka socday 5 maalmood.
Shir jaraa’id oo ay magaalada Hargeysa ku qabteen Wasiirada Arrimaha Gudaha, Warfaafinta, Difaaca iyo Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland ayey ku dhaaciyeen xabbad joojinta dagaalkii magaalada Laascaanood.
Wasiiradan oo ku hadlaya Afka Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay inay doonayaan xabbadda in la joojiyo oo miiska la isugu yimaado si looga wadahadlo waxa la isku hayo, waxayna intaas ku dareen in dhibaatada dagaalka ay dhinac kasta gaartay.
Dhinaca kale Ra’iisal wasaare ku xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa soo saaray baaq nabadeed oo ku saabsan dagaalka magaalada Laascaanood, isagoo ku baaqay in degdeg loo joojiyo dagaalka.
“Kasokow Masuuliyadda ka Dawlad ahaan naga saaran wadajirka, midnimada iyo Nabada Ummadda Soomaaliyeed, Aniga si gaar ah ayaa dhibaatada Laascaanood ii taabanaysaa. Waa dhulka aan kasoo jeedo Ab iyo Abtiba, sidaas darteed waa I taabanaysaa. Masuuliyiinta Somaliland waxaan leeyahay wixii aad ku waydeen wadar ogol iyo wada hadal Xabad iyo qori kuma helaysaan. Garaadada iyo waxgaradka reer Sool, waxaan si xoogan idiinla dareemayaa dhibaatada dagaalka ee leh, Dhimasho dhaawac, barakac iyo burbur”‘ ayaa lagu yiri Qoralka RW ku xigeenka.
HOOS KA AKHRISO BAAQA
