Maamulka Somaliland ayaa ka shaaciyay shir ay iskugu yimaadeen wasiirka Duulista hawadda Somaliland iyo wasiirka Duulista Soomaaliya oo ka dhacay wadanka Itoobiya.
Wasiirka Duulista iyo Gaadiidka Somaliland Farxaan Aadan Haybe ayaa caddeeyay inaysan waxba ka jirin wararka sheegaya in Soomaaliya lagu wareejiyey maamulidda hawadda, hase yeeshee ay wali maamusho hay’adda qaramadda midoobay u qaabilsan hawadda ee ICAO.

Shirkan oo Itoobiya qeyb ku lahayd ayaa labada dhinac la isugu keenay, iyadoo aany wax war ah kasoo bixin dhinaca dowladda Soomaaliya. Wasiirka duulista Somaliland ayaa sheegay in wadahadalku maamulka hawada uu socon doono, loona saaray guddi farsamo oo labada dhinac ka socda.
Goobjooge