Thursday, October 10, 2024

Somaliland oo ka hor timid Baaq uga yimid Madaxweynaha Uganda Musaveni

Somaliland ayaa diiday baaq ka yimid Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Musaveni oo ku saabsanaa inuu dhexdheaadiyo wadahadal ku saabsan dib u mudoobidda Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu dhex-dhexaadiyo labada dhinac, kadib markii qoraal uu soo dhigay X (Twitter) uu ku sheegay in labada dhinac ay wajahayaan caqabado isku mid ah, ayna u baahan yihiin inay midoobaan.

Bayaan kasoo baxay wasaraadda arrimaha dibedda Somaliland ayaa lagu sheegay inuusan jirin wax qorshe ah oo ay wada-hadallo ku saabsan dib ula midoobid la furayaan Soomaaliya.

Ad

“Somaliland waxay caddeyneysaa in wada-hadal kasta oo Somaliland iyo Soomaaliya u furma aanu ku jirin midow, balse uu ku saabsanaan doono sidii labada dhinac ay horey ugu dhaqaaqi lahaayeen si kala gooni ah..” ayaa lagu yiri Qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland.

Somaliland waxay u caddeysay Midowga Afrika iyo beesha caalamka inaysan ku talo jirin wada-hadal ku saabsan midnimada Soomaaliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON