Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalintii afraad ku sugan dalka Imaaraadka Carabta, iyadoo aan wax faahfaahin ah laga bixin safarkiisa, loona bedelay mid qarsoodi ah.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay in safarka Madaxweynaha ee Imaaraadka Carabta uu qaadan doono muddo 2 maalmood ah, halka Wakaalada wararka Imaaraadka ay sheegtay in safarku yahay mid shaqo, waxaana kaliya la baahiyey sawirro kooban oo ku saabsan markii lagu soo dhoweeyay Garoonka Abu Dhabi.
Socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh oo ahaa kii ugu horeeyay ee uu dibadda ugu baxo, isla markaana yimid xilli xasaasi ah oo la sugayey in codka kalsoonida la siiyo Ra’iisal wasaaraha magacaaban ayaa isu bedelay mid qarsoodi ah oo aan wax war ah kasoo bixin tan iyo intii uu ka degay magaalada Abu Dhabi.
Villa Somaliya ayaa gebi ahaan ka gaabsatay safarkan dheeraaday ee madaxweynaha, mana jiro wax dhaqdhaqaaq ah oo laga baahiyey afarta maalmood ee madaxweyne Xasan Sheekh ku sugan yahay dalka Imaaraadka Carabta, kulamada uu la yeeshay madaxda dalkaasi iyo mas’uuliyiinta la socota.
Qoraal ay safaaradda Imaraadka ee Soomaaliya baahisay ayaa algu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu casuumaad rasmi ah ka helay madaxweynaha cusub ee Imaaraadka Maxamed Bin Zayed.
Lama oga sababta keentay in qarsoodi laga dhigo socdaalka oo yimid, kadib casuumaad uu Xasan Sheekh u fidiyey madaxweynaha Imaaraadka Carabta Mohamed Bin Zayid, laakiin wararka qaar ayaa sheegaya in qaar ka mida wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh laga helay cudurka Covid19, kadibna la karaantiilay, taasoo dib u dhac ku keentay kulamadii qorsheysaa, balse warkan laga dhigay mid la qariyo.
Halkan ka Akhriso

