Sunday, February 16, 2025

Siyaasiyiintii caanka ahaa ee Reer Sool oo isaga baxaya Xisbiyada iyo Siyaasadda Somaliland

Siyaasiyiinta caanka ah ee kasoo jeeda Gobolka Sool, xilalkana kasoo qabtay maamulka Somaliland ayaa isaga baxaya siyaasadda Somaliland, kadib saameynta uu ku yeeshay dagaalka Laascaanood.

Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed (Ataash) oo ahaa guddoomiyaha ururka cusub ee Waaberi, horeba xilala wasiir uga soo qabtay xukuumadihii Somalialnd ee madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Buuxi ayaa ku dhawaqay inuu ka baxay siyaasadda Somaliland, dibna ugu laabanayo ganacsigiisii.

C/risaaq Ataash ayaa soo nqoday madaxa Shirkadda HASS Petroleum, inta aanu siyaasadda ku biirin, waxaana uu hadda ku howlahaa dhismaha urur siyaasdeedkiisa Waaberi oo ka gudbay laba marxalad, kuna socday inuu noqdo xisbi buuxa.

Ad

Hore waxaa u dhaaciyey inuu siyaadda Soaliland ka tegay Saleebaan Ciise Axmedkaar (Xagla-toosiye) iskaga tegay guud ahaan Somaliland.

“Waxaan caddeynayaa si aan gebi ahaanba ka baxay ka mid ahaanshihii siyaasada Somaliland. Markii aan arkey arxan darrada iyo sida Bani’aadamnimada ka fog ee xukuumadda Somaliland ay ula dhaqmeyso dadkeyga” ayuu yiri Saleebaan Xagla-toosiye oo ahaa guddoomiyaya urur siyaasadeedka Shacab.

Sidoo kale waxaa magaalada Laascaanood ku sugan guddoomyihii Golaha Wakiilada Somaliland C/riaaq Khaliif oo caddeeyay inuu raacsan yahay go’aanka Garaadadda beeshiisa, waxaana muuqata in Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolka Sool ay go’ansadeen inay ka laalaabtaan ka mid ahaanshaha Somaliland.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON