Waxaa si isdaba jooga ah ugu qulqulaya xarunta Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho siyaasiyiin iyo xildhibaannada mucaaradka oo kulamo kala gaara la yeelanaya safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto.
Muddo 24 saac ka yar ayuu safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ku qaabilay xubno ay ka mid yihiin madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo qaar ka mida mas’uuliyiinta xisbigiisa, waxaa kaloo maanta safiirku la kulmay laba musharax oo u taagan xilka madaweynaha Galmudug C/raxmaan Odowaa iyo Kamaal Guutaale.
Waxaa weli socda kulamadaasi iyadoo siyaasiyiin kale ay ku sii jeedaan safaaradda Mareykanka, iyadoo arrintan ay ka dambeysay kulan 26-kii Novembar safiirka Mareykanka ee Soomaaliya la yeeshay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Kulanka maanta ee musharixiinta Galmudug iyo safiir Yamamoto ayey shaacisay safaaradda Mareykanka in looga hadlay doorasho xor iyo xalaal ah oo ka dhacda maamulka Galmudug.
Wararka ayaa sheegaya in Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya uu wado olole ku saabsan sidii dowladda Somalia culeys loogu saari lahaa go’aan laga gaara doorasho ka dhacda Soomaaliya oo dhinacyada oo dhan ay isla qaataan.
