Sunday, November 10, 2024

Siyaasiyiinta Mucaaradka Lafta-gareen oo Dalab culus hordhigay Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb kulan kula yeeshay siyaasiyiinta kasoo jeeda K/Galbeed Soomaaliya ee mucaaradka ku ah madaxweynaha maamulkaasi C/casiis Lafta-gareen.

Siyaasiyiintan waxaa ka mid aaa Guddoomiyeyaashii hore ee Golaha Shacabka Shariif Xasan Sheekh Aadan, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Maxamed Mursal Sheekh, waxaana ka midahaa siyaasiyiin kasoo jeeda dowlad-goboleedka Koonfur-gabeed.

Mucaaradka Koonfur-galbeed ayaa Dhuusamareeb u tegay inay Madaxweynaha Soomaaliya kala hadlaan xaaladda siyaasadeed maamulka Koonfur-galbeed iyo Doorashooyin ay doonayaan inay halkaasi ka dhacaan, iyadoo uu dhammaanayo sanadkii loogu daray Madaxweyne C/casiis Lafta-gareen .

Ad

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu siyaasiyiintan kala hadlay Dagaalka Alshabaab ee socda, balse ay dhinacooda hordhigeen Dalabn ah sidii uu u fulin lahaa heshiiskii Doorashda K/Galbeed ee sanadkii hore uu ku qasbay siyaasintaasi.

Xasan Sheekh oo mar kale uu kusoo laabtay khilaafkii Doorashada K/Galbeed ayaa siyaasiyiinta Mucaaradka K/Galbeed ku adkeeyay in midnimo, isu-tanaasul iyo in wada-tashi looga gudbo arrimaha lagu kala aragtida duwan yahay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON