Saturday, January 25, 2025

Siyaasiyiinta Mucaaradka K/Galbeed oo Eedeyn u jeediyay Xasan Sheekh iyo Lafta-gareen

Siyaasiyiinta Mucaaradka maamulka K/Galbeed ayaa dowladda Federaalka iyo Maamulka K/Galbeed ku eedeeyay inay ka hor istaagaan xuquuqdooda Dastuuriga ah.

Qoraal ay soo saareen maanta ayay siyaasiyiintan oo la baxay ‘Madasha Maanshiil’ ku caddeeyeen in muddo laba jeer ah oo kala ah: 5-ta iyo 14-ka Bishan Oktoobar laga hor istaagay inay tagaan magaalada Baydhaba.

“Waxaan umadda Soomaaliyeed iyo saaxiibada Caalamka u caddeyneynaa in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka KGS ay xubnaha Madasha ka hor istaageen xuquuqdooda Dastuuriga ah ee isu socodka iyo ka qeybgalka Siyaasadda” ayaa lagu yiri qoraalka siyaasyiinta Mucaaradka K/Galbeed.

Ad

Waxay siyaasiyiintan oo ay hoggaaminayaan guddoomiyeyaashii hore ee Baarlamaanka Federaalka caddeeyeen inaysan aqoonsan doonin wixii ka danbeeya 1-da Novembar 2023, Madaxweynaha heshiis siyaasadeedka ku jooga ee K/Galbeed C/casiis Lafta-gareen.

Waxay sidoo kale siyaasiyiinta Mucaaradka K/Galbeed shaaciyeen inaysan wax natiijo ah kasoo bixin shirar ay laba jeer la yeesheen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON