Waxaa magaalada Kismaayo xilligan ku sugan dhammaan siyaasiyiinta iyo madaxda maamul Goboleedyada ee ku kacsan madaxda dowladda Federaalka, kadib xayiraad muddo la saaray diyaaradaha taga magaaladaasi.
Siyaasiyiintan oo isugu jira: Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, madaxweynayaashii hore ee maamullada Puntland, Galmudug iyo K/Galbeed, hogaamiyeyaasha xisbiyada iyo xubnaha mucaaradka ee ku jira labada Gole ee Baarlamaanka ayaa waxaa kulmiyey inay si weyn uga horjeedaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo qaabka uu dalka ku hoggaamiyo.
Waxay ka qeybgeli doonaan caleemo saarka Madaxweynaha Jubbalanad ee doorashadiisa muranka ka dhashay, taasoo keentay in dowladda Federaalka sharci darro ka dhigto doorashadaasi, iyadoo diiday inay aqoonsato.