Madaxdii dalka soo martay, Musharixiin hore iyo Siyaasiyiin ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu dalka ku wado qalalaase, sharci darro iyo faragelinta Hay’adaha Sharci dejinta.
Qoraal ay ku saxiixan yihiin 10 ka mida Madaxdii hore ee dalka iyo Siyaasiyiin caan ah ayaa lagu sheegay inuu Madaxweyne Xasan Sheekh baal maray talooyinkii ay siiyeen shirkii ay la yeesheen 11-12kii bishii Luuliyo oo looga tashay talo soo jeedintii Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) ee ku taariikhaysnayd 27.05.2023.
“Gunaanadkii shirkaas waxa uu Madaxwaynuhu ballan qaaday in talooyinkii aan soo gudbinnay lala wadaagi doono Baarlamaanka, sidoo kalena talada go’aannadan masiiriga ah ay qayb ka noqon doonaan dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida; (Culimada, Aqoonyahanada, Dhallinyarada, Haweenka iyo Ganacsatada) inta aan talo soo jeedinta GWQ loo gudbin Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya”.” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saareen madaxda hore iyo Siyaasiyiinta.
Waxay sheegeen inay nasiib-darro ah in Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud uu isku dayo sidii uu go’aan kalligiis ah uga gaari lahaa masiirka dalka, kuna tallaabsado siyaasad kala qaybinaysa dadka Soomaaliyeed xilli loo baahan yahay in dalka lagu mideeyo laddagaallanka argagixisada.
Qoraalka oo ka koobnaa 3 Bog waxay Madaxda hore iyo Siyaasiyiinta dalka kusoo jeediyeen qodobadda soo socda:
– Waxaan shacabka Soomaaliyeed ku war gelinaynaa in aan marnaba la aqbali doonin in dalka lagu hoggaamiyo talo aan loo dhammayn una horseedaysa dalka iyo dadka Soomaaliyeed qalalaase iyo kala qoqobnaan.
– Haykalka dowladnimo ee hadda inoo dhisan waa heshiis ay galeen dadka Soomaaliyeed wax ka beddelkiisana ay muhiim tahay in laga qayb geliyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed loona maro dariiq Dastuuri ah.
– Waxaan ka digaynaa in aan khatar la gelin nidaamka awood qaybsiga beelaha Soomaaliyeed lagana foojignaado waxkasta oo shaki gelin kara awood qaybsiga, dalkana u horseedi kara dib u dhac.
– Madaxwaynuhu malahan awood dastuuri ah oo uu go’aan uga gaari karo inta xisbi ee uu dalku yeelanayo ama nooca dowladeed ee dalku qaadanayo ee waa in lagu saleeyaa talo loo dhan yahay oo la isla oggol yahay waafaqsanna shuruucda dalka u degsan.
– Madaxwaynuhu go’aan kama gaari karo qaab fulineedka doorashooyinka dalka ee waa in ay talo ku yeeshaan dhammaam saamilayda siyaasadda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada si waafaqsan shuruucda dalka.
– Waxaan ugu baaqaynaa Madaxwayne Xasan Sheekh Maxaamuud in aanu isku deyin muddo kordhin sharci darro ah, heer federaal iyo heer dowlad gobaleed dalkana dib ugu celin dariiqii mugdiga ahaa ee Alle naga soo samatabixiyay. Ma jiri karto daruuf Madaxwaynaha JFS, ku qasbi karta in uu u bareero sharci darro iyo wax walba oo baalmarsan dastuurka dalka.
– Waxaan Madaxwaynaha ugu baaqaynaa in uu joojiyo faragelinta joogtada ah ee uu ku haayo hay’adaha sharci-dejinta dalka una madax banneeyo howsha loo igmaday.
-Waxaan ugu baaqaynaa kuna boorrinaynaa Baarlamaanka Soomaaliyeed in ay gutaan mas’uuliyaddii loo igmaday loona soo doortay, dhowraanna Dastuurka, shuruucda dalka iyo xeer hoosaadka Baarlamaanka.
– Waxaan ku talinaynaa in laga foojignaado khatarta iyo qalalaasaha ka dhalan doona Dastuur lagu beddelo gacan taag iyo Kooram aan loo dhammayn, isla markaana baalmarsan shuruucda dalka iyo xeeer hoosaadka Baarlamaanka.
– Waxaan ku boorrinaynaa shacabka Soomaaliyeed in ay ka foojignaadaan siyaasad walba oo dalkan ku keeni karta dib-u-dhac, wiiqaysana geeddi socodka dowladnimada dalka.
– Waxaan beesha caalamka ugu baaqaynaa in ay isha ku hayaan xaaladda murugsan ee uu dalku ku sugan yahay. Ugu dambayntii waxaan dhamaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaynaa in ay ka qayb qaataan kuna garab istaagaan dowladda federaalka iyo madaxdeeda la dagaalanka argagixisda.
Waxaa bayaankaan soo saaray:
1- Sharif Sheekh Axmed
2- Shariif Xassan Sheekh Aaden
3- Prof Maxammed Shiikh Cusmaan Jawaari
4- Cumar Cabdirashid Cali Sharmake
5- Cabdiweli Shiikh Ahmed
6- Xasan Cali Khayre
7. Ridwaaan Xersi Maxammed
8- Dr Cabdinuur Sheekh Maxamed
9- Hon Abdulqaadir Cosoble Cali
10- Dr Cabdinaasir Cabdulle Maxamed