Friday, December 8, 2023

Siyaasiyiin Caan ah iyo xildhibaanno ka hor yimid Muddo kororsiga Xasan Sheekh iyo Baarlamaanka

Kadib markii uu soo shaac baxay Qorshaha muddo u kororsiga ah ee Madaxweynaha Soomaaliya siyaasiyiinta iyo xildhibaannada ka horjeeda Mooshinka Muddo kordhinta ee laga wado labada Aqal ee Baarlamaanka.

Qorshahan muddo kororsiga oo si hoose ku socday ayaa la rumeysan yahay inay hoos ahaan u abaabushay Madaxtooyada Soomaaliya, waxaayna labada Aqal u magacaabeen Guddiyo kasoo talo bixiya, iyadoo ujeedku yahay in muddo Sanad ama ka badan loogu daro Madaxweynaha iyo Baarlamaanka oo hadda muddo xileedkoodu yahay 4 sano.

Xubnaha sida cad uga hor yimid muddo kororsiga socda, waxaa ka mida:

Ad

Shariif Sheekh Axmed: Madaxweynihii hore ee dowladii KMG ahayd, isagoo dhowr jeer ka digay arintan, sida ku cad Qoraal uu soo saaray Xisbigiisa Himilo 20-kii Febraayo, kaasoo lagu yiri:

“Xisbiga Himilo Qaran.. wuxuu gebi ahaanba ka soo horjeedaa muddo kororsi noocey doonto ha noqotee, magacii la doonana halloo bixiyee, wuxuuna ugu baaqayaa madaxda dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka inay dhowraan sharciga kana dheeraadaan muddo kororsi horseedi kara jahwareer iyo qalalaase siyaasadeed sidii horey loo soo tijaabiyay”.

C/raxmaan C/shakuur Warsame: oo ahaa mushaax madaxweyne iyo xildhibaan ayaa isna ka s hr yimid muddo kororsiga socda, kuna tilmaamay nasiib darro, wuxuuna qoraal uu soo saaray ku yiri:. 

- Advertisement -

“Guddoonka Baarlamaanka waxaa laga sugayey in ay soo gudbiyaan ajandayaal ku aaddan sidii doorashada dadban looga bixi lahaa, oo mid dadwaynaha cod ku leeyihiin lagu heli lahaa, dalkana looga hirgelin lahaa hannaankii xisbiyada.  Ma ahayn in ay xilligaan muddo kororsi ka fekeraan, iyagoo weliba og mashaqadii iyo dhibkii muddo kororsi laga soo maray”

C/qaadir Cosoble Cali: oo isna ahaa Musharax iyo xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka ayaa si weyn u diidan muddo kororsiga cusub, Wuxuuna ka digay Qorshaha muddo kororsiga ee Xasan Sheekh, wuxuuna hore uga hor yimid heshiiskii K/Galbeed ee Sanadka loogu ogolaaday madaxweyne C/casiis Lafta-gareen.

“Xisbiga Ilays Waxa uu umadda Soomaaliyeed u caddeynayaa  in uu muddo kororsi shalayto kasoo horjeeday welina uu sidii uga soo horjeedo, kana digaayo saamaynta ay kuyeelan karto dowlad dhsika iyo dimaqoraadiyaynta dalka”.

Dhinaca kale xildhibanno ka tirsan Golaha Shacabka oo arrintan ka hadlay ayaa diidmo weyn ka muujiyay qoshaha muddo kororsiha Madaxweyaha iyo Baarlamaanka, basle waxaa muuqata in qorshahaasi uu taageero ka heysto xildhibaanno kale.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON