Doorashada Madaxweynaha Kenya ee maanta ka socota dalkaasi waxaa musharixiinta ugu cadcad ka mida Musharaxa Raila Odinga oo markii shanaa xilkaasi u taagan.
Raila Odinga 77 sano jir ah, horeba u soo noqday Ra’iisal wasaaraha Kenya wuxuu taageero ka heystaa Madaxeynaha xilka ka degaya ee Uhurur Kenyatta, waxaana tartan adag uu kala dhaxeeya madaxweyne ku xigeenka dalkaasi William Ruto, waxaana la filayaa inuu midkood noqdo madaxweynha cuusb ee Kenya.
Siyaasiga Raila Odinga wuxuu hore u sheegay inuu taageerayo aqoonsiga Somaliland, arrintaas oo uu sheegay dhowr jeer, gaar ahaan khubadii uu ka jeediyey Mac-hadka Chatam House ee magaalada London. (Halkan ka Akhriso)
Go’aanka Raila Odinga ee ku saabsan Somaliland ayaa ahaa mid shaqsi ah, laakiin haddiiba ay dhacdo inuu ku guuleysto xilka madaxweynaha Kenya, waxaa cad inuu u hoggaansami doono mowqifka dowladda Kenya.