Friday, May 16, 2025

Siyaasi Kenyan ah oo Uhuru Kenyatta kula taliyey inuu taageero weydiisto Madaxweyne Farmaajo (Maxaa dhacay?)

Siyaasi Kenyaan ah ayaa ugu baaqay Madaxweynaha dalkaasi Uhuru Kenyatta inuu telefoon u diro Madaxweynaha dalka ay deriska yihiin ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, kadibna uu weydiisto taageero!.

Siyaasigan oo lagu magacaabo John Mututho ayaa ahaa Madixii hore ee Laanta Qaran ee la dagaallanka Daroogada Kenya, wuxuuna si weyn u ammaanay in Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya Maxkamad la soo taagay, laguna xukumay xabsiyo dhaadheer markii lagu eedeeyay inay lunsadeen hantidii loo qoondeeyay Cudurka Covid-19.

Saxaafadda Kenya aya kas oo xigatay Mututho, inay Soomaaliya hadda mudan tahay ku dayasho markii ay xabsiga dhigtay mas’aaliyiinta wasaaradda Caafimaadka. Kenya-na ay tahya inay cashar ka barato.

Ad

“Soomaaliya hadda waxay na tusisay sida dadka musuqmaasuq ku kaca ee xada lacagta Covid-19 lo qabtay, loona xukumay.. Inkastoo madaxweynaha uu dadka la hadlay .. waxaan ku boorinayaa inuu telefoon u diro.. Mudane Madaxweyne waxaan ognahay inaadan arrimahan raali ka ahayn oo aad wanaag la dooneyso Kenya… Kaliya wac Madaxweynaha Soomaaliya si uu arrintan kaaga caawiyo.” Ayuu yiri Mututho.

Wuxuu sheegay in hay’adaha baarista dembiyada Kenya ay fashilmeen, taasina ay tahay sababta ay kaalmada u weydiisanayaan Soomaaliya oo muujisay tusaale wanaagsan oo lagula tacaalayo dadka xada dhaqaalaha loo qoondeeyay Covid-19.

Kenya ayaa waxaa ka jira musuq baahay oo ku saabsan dhaqaalaha dowlada ugu talogashay la-dagaalanka Cudurka Covid-19, iyadoo aan weli cid loo qaban arrintan sida weyn ugu baahday dalka Kenya.

- Advertisement -

HOOS KA DAAWO

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON