Waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Nabaddoon iyo siyaasi caan ah oo soo noqday Safiir iyo Duqii hore ee Magaalada Muqdisho Marxuum Cali Ugaas Cabdulle.
Marxuumka ayaa muddoouinkan dambe xanuunsanaa, isagoo ku jiray Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, waxaana uu saaka oo Isniin ah ku geeriyooday halkaasi, sida ay sheegeen ehelkiisa.
Cali Ugaas ayaa ahaa nin si weyn looga yaqaan Gobollada Koonfureed ee dalka, isagoo xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho qabtay sanadihii 1987-1990 dowladdii Kacaanka.
Wuxuu qeyb ka ahaa dadaalladii nabadeed ee dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya, waxaana sanadkii 2005 loo magacabaay safiirka Soomaaliya ee Talyaaniga.
Waxaa tacsi u diray mas’uuliyiin iyo madax fara badan, iyado baraha bulshada ay buux dhaafisay tacsida loo dirayo qoyskiisa oo uu ugu horeeyo wiilkiisa Ugaaska Beesha Muddulood Maxamuud Cali Ugaas.