Tuesday, February 18, 2025

Siyaasi Caan ahaa oo ku Geeriyooday Puntland (Akhriso taariikhda Cabdi Cabdulle Jinni-Boqor)

Waxaa degmada Qardho ee Gobolka Bari ku geeriyooday Cabdi Cabdulle Siciid (Jinni boqor) oo ahaa siyaasi caan ahaa, xilal kala duwan-na kasoo qabtay dowladihii KMG ahaa ee Soomaaliya.

Allaha u naxariistee Jinni Boqor wuxuu ka mid aha dowladihii Soomaaliya kasoo jiray tan iyo sanadkii 1991-kii ilaa uu siyaasadda ka fariistay sanadkii 2009-kii, markaasoo uu u wareegay dalka Sweden oo muddo uu deganaa, wuxuuna ku danbeeyay degmada Qardho oo uu ku dhashay, halkaas oo uu ku geeriyooday maanta.

Cabdi Cabdulle Siciid waxaa si weyn loogu xusuustaa inuu si weyn uga horjeeday madaxweynihii dowladii KMG ahayd ee lag dhisay shirweynihii Kenya ka dhacay ee uu hoggaaminayey madaxweyne C/llaahi Yuusuf, wuxuuna ahaa siyaasi codkar ah oo warbaahinta mar kasta ku jira.

Ad

Taariikhda Marxuum Cabdi Cabdile jini Boqor oo kooban:

Wuxuu ku dhashay degmada Qardho sanadkii 1936, dugsigga hoose/dhexe waxa uu ku bartay Qardho, Wuxuuna Dugsiga sarre uga baxay Magaalada Muqdisho, halka uu ka qalin jebiyey Jaamacada Keive University sanadkii 1970-1975, isagoo bartay Sharciga Caalamiga ah.

Xilli hore ayuu siyaasadda ku biiray, wuxuuna sanadkii 1958, ka mid noqday aasasayaashii xisbigii kale USB. Sanadkii 1978 wuxuu qeyb ka ahaa aasaaskii jabhadii SSDF, wuxuuna ururkii Mucaaradka ee SDDF ka noqday wasiirkii Maaliyadda.

- Advertisement -

1991 Markii dawladii dhexe ay burburtay waxa uu ka qayb-galay dhismihii dawladii 1aad ee uu hogaaminayay Cali Mahdi Maxamed waxa uuna ka noqday Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyaynta Soomaaliya. Dawladaas kadib xukuumadii uu dhisay Jeneraal Ceydiid ee Salbaar, isagoo ka noqday ka noqday Wasiirka Maaliyada.

1998 markii la aasaasay Puntland dawladii Cabdilaahi Yuusuf Axmed markii uu dhisay golihiisa wasiirada 2000 waxaa laga dhigay Wasiirkii hawlaha guud ee Dawlada Puntland, 2003 waxaa loo magacaabay wasiirkii dib u heshiisiinta dawlada Puntland.

2004 waxa loo doortay Xildhibaan ka tirsan Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya taas oo lagu soo dhisay Eldorat Kenya, waxaana teeram labaad loo doortay xildhibaan, isagoo qayb ka ahaa Dalwdii uu hogaaminayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Jini-Boqor wuxuu degay Dalka Sweden, isagoo siyaasadda ka fariistay, wuxuuna dib ugu laabtay degmada Qardho oo uu ku geeriyooday Maanta 27-ka May 2020.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON