Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Qarax lala beegsaday siyaasi laga yaqaan magaalada Muqdisho.
Qarax Miino ayaa loo adeegsay Siyaasiga Cabdullaahi Sheekh Xassan oo ka mid ahaa siyaasiyiinta Muqdisho ee xisiyada furtay, isla markaana ka mid ahaa teegeerayaasha madaxweynihii hore ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhow Masjid uu kasoo baxay degmada Wadajir ee caasimadda Muqdisho, waxaana soo gaaray dhaawac, iyadoo loola cararay isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.
Xaaladda siyaasiga ayaa wararkii ugu horeeyay sheegayaan inay tahay mid culus, iyadoo ay goobta gaareen ciidamada amniga.