Saturday, April 26, 2025

Sixiroole si Indha-sarcaad ah ku kufsaday Dumar badan oo Xukun lagu riday

52 sano jir lagu soo eedeeyay inuu sixir iyo indha-sarcaad kula kacay haween badan, kadibna kufsaday oo muuqaallo ka duubay ayaa maanta lagu xukun lagu riday, kadib markii kiiskii dacwadeed ay soo gabagabeysay Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Ninkan oo lagu magacaabo Abuukar Maxamed Xasan (Shooble), ahna 52- sanojir, waxaa gacanta ku soo dhigay ciidamada Boolisk Soomaaliyeed, isagoo gacanta kula jira ficil lagu sheegay gogol dhaaf horaantii sanadkan.

Kadib waxaa laga war helay haween dhibanayal ah oo uu ninkani waxyeelo u geystay, kuwaasoo sheegay inuu kula kacay falal kufsi, turufo iyo duubis muuqaalo anshax xumo ah.

Ad

Dadka uu waxyeellada gaarsiiyay waxaa ugu baden haween la qabo, sida ay sheegtay xeer ilaaliye ku xigeenka Dowladda, wuxuuna ninkan haweenkan helay telefoonadooda baraha Bulshada ama Facebook, gaar ahaan muuqaalada la sheego in lagu caawinayo dadka masaakiinta ah iyo Gaadiidka dadweynaha dhexdooda.

Kiiska ninkan oo Maxkamadda gobolka Banaadir ay ka yeelatay ilaa saddex fadhi oo kala duwan, ayaa ugu danbeyn maanta wuxuu Guddoomiyaha Saalax Cali Maxamuud ku dahwaaqay in eedeysanaha lagu xukumay 10-sano oo xabsi ah.

”Xukun maxkamadda, maxkamadda gobolka Banasdir qeybteeda ciqaabta waxay eedeysane Abuukar Maxamed Xasan Shooble ku heshay qodobka 398, faqraddiisa labaad, waxayna ku xukuntay 7-sano oo xarig ah, maxakamaddu waxay eedeysanaha sare ku xusan qodobka 403, faqraddiisa koowaad ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed, waxaanna lagu xukumay labo sanno oo xarig ah, sidoo kale, maxkamaddu ku heshay eedeysanaha qosobka 496, farqaddiisa koowaad ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed, waxayna ku xukuntay hal sanno oo xarig ah, wadarta guud ee edeysanaha kagu xukumay waa 10-sanno oo xarig ah”. ayuu yiri Guddoomiyahaa Maxkamadda

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON