Sunday, January 26, 2025

Sirdoonka Yuhuudda oo lagu eedeeyay Dilka Khabiirkii Niyukliyeerka dalka Iran iyo heegan la geliyey..

Sirdoonka Yuhuudda ee MOSSAD ayaa lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dilka khabiirkii Niyukliyeerka dalka Iiraan Mohsen Fakhrizadeh oo toogasho iyo qarax lagu dilay shalay duledka magaalada Tehran ee caasimadda Iiraan.

Khabiirkan ayaa ahaa seynisyahanka ugu caansan ee barnaamijka Niyukleerka Iiraan ee ka howlgal Wasaaradda Gaashaandhigga Iiran, wuxuuna ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu waweyn ee ugu sareeya saynisyahannada dalka Iiraan iyo Barnaamijka hubka dalkaasi.

Khabiirkan Mohsen Fakhrizadeh waxaa si weyn u raadineysay dowladda Israel, iyadoo Ra’iisal wasaaraha Yuhuudda uu bandhig ku sheegay inuu yahay shaqsiga ka dambeeya barnaamijka Niyukleerka Iiraan.

Ad

Madaxweynaha Iiraan Hassan Rouhani ayaa Israa’iil si toos ah ugu eedeeyay inay ka dambeysay dilka Fakhrizadeh, waxayna Golaha Amniga Q/Midoobay u dirtay qoraal ay ku caddeysay inay qaadi doono tallaabo jawaab ah.

Sidoo kale mar ayaa, rai’sul wasaarah Israa’iil Benjamin Netanyahu waxaa uu ku tilmaamay Fakhrizedeh in uu yahay Seynisyahanka hogaamiya barnaamijka, waxa uuna xilligaas Netanyahu ugu baaqay dadka ay “magaciisa xusuusnaadaan”.

Sanaddii 2015, wargeyska New York Times ayaa la barbar dhigay J Robert Oppenheimer, oo ahaa seynisyahankii hagayay soo saaridda hubkii Atoomikada ee ugu horeeyay ee Mareykanka dagaalkii labaad ee aduunka.

- Advertisement -

Israa’iil ayaa heegan gelisay safaaradaheeda dibadda, iyadoo laga cabsi qabo jawaab ay bixiso Iiraan, waxaana cabsi laga dareemay inuu dagaal ka qarxo Bariga Dhexe, inkastoo mas’uuliyiinta Iiraan aanay shaacin nooca jawaabta ay bixin doonaan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON