Saturday, April 19, 2025

Sirdoonka Turkiga oo magaalada Ankara ku qabtay Nin ka tirsan Alshabaabka ka howlgala Kenya

Booliska iyo Sirdoonka Turkiga ayaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga ku qabtay shaqsi la sheegay inuu ka tirsan yahay Alshabaabka ka howlgala dalka Kenya.

Sida ay shaacisay wakaalada Wararka Turkiga, qofkan la tuhunsan yahay ayaa howgalka lagu qabtay waxaa iska kaashaday Sidroonka (Turkiga National Intelligence Organization -MIT) iyo Booliska Turkiga oo helay xog ku saabsan ninkan, iyadoo aan warbaahinta lala wadaagin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qofkan la tuhunsan yahay inuu ka tirsan yahay Alshabaab.

Warka ayaa sheegaya in ninkan uu heysto dhalashada dalalka Germany iyo Italy, waxayna qabashadiisa ka danbeysay markii lasoo saaray warqad lagu soo xirayo.

Ad

Alshabaab ayaa xarunteedu tahay Koonfurta Soomaaliya, iyadoo weerarro waaweyn ku qaada dalka Kenya iyo Gobollada kale ee Soomaaliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON