Saturday, March 22, 2025

Sidee xilka looga qaaday Gudoomiyaha Jaamacadda Umadda, Yaase lagu bedelay..?

Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda (JUS) Dr, Xasan Cumar Mahad-Alla ayaa xilkii laga qaaday, iyadoo ku-sime loo magacabay xilkaasi.

Xil ka qaadista Guddoomiyaha Jaamacadda Umadda ayaa waxaa faafiyay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo soo xigtay Wareegto xil ka qaadis oo kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraalka Wasiirka Waxbarashada ayaa lagu maray guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Dr Xasan Cumar Mahad-Allah inuu xilka ku wareejiyo sii-hayaha xilka guddoomiyaha Jaamacadda oo loo magacaabay Dr Xasan Cismaan Gacal.

Ad

“Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ahna Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Jamacadda Umadda Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa faray xafiisyadda Jamacadda in ay la shaqeeyaan sii-hayaha Guddoomiyaha Jamacadda Umadda Dr Xasan Cismaan Gacal.” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Wasiir Faarax.

Lama sheegin sababta xil ka qaadista Guddoomiye Dr. Mahad-Allah, balse waxay ku soo beegantay iyadoo uu khilaaf kala dhaxeeyay wasiirka Waxbarashada, isla markaan uu Arbacadii hore isku shaandheyn ku sameeyay agaasimeyaasha Jaamacadda.

Guddoomiyaha xilka laga qaaday ayaa sheegay in xilka looga qaaday dagaalkii uu kula jiray musuqmaasuqa ka socday Gudaha Jaamacadda oo xiriiro badan oo isku xiran lahaa.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON