Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu soo dhoweeyay magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Xildhibaan Xasan Sheekh aya sheega inuu socdaal shaqo ku tegay magaalada Beledwayne, isagoo ka jawaabaya sida uu yiri baaqa Bulshada reer Hiiran oo ku saabsanaa in Xisbiga Midowga Nabada iyo Horumarku uu xarun ka furto magaaladda Beledwayne.
Waxaa socdaalkiisa ku wehliyey xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed iyo xubno kale, waxaana garoonka ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed, odayaal iyo dadweyne.
HOOS KA DAAWO SAWIRRADA